(Hortabin Media) – Faah Faahin dheeri ah ayaa ka soo baxeysa qarax lala eegtay gaari BL ah, oo ay saarnaayeen dad rakaab ah oo ku sii jeeday magaalada Muqdisho.
Qaraxan oo noociisu ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa lala beegsaday gaariga, xilli uu marayey agagaarka degmada Shalanbood ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana gaarigan uu ka yimid degmada Qoryooleey ee isla gobolkaasi.
Sida maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose uu warbaahinta u sheegay qaraxan waxaa ku geeriyooday seddex qof oo ka mid ah dadkii rakaabka ahaa ee saarnaa gaariga, iyadoo tiro kalana ay ku dhaawacantay.
Maamulka Shabeelaha Hoose ayaa qaraxan ku eedeeyey kooxda Al Shabaab, oo inta badan gudaha Soomaaliya ka geysata falal lidi ku ah amniga, balse Al Shabaab eeddaasi kama aysan jawaabin.
Labo Casho ka hor Al Shabaab ayaa Duledka Qoryooleey ku dilay taliyihii nabad sugida degmadaasi iyo ciidamo la socday oo tiradooda lagu sheegay ilaa seddex askari, waxaana weerarkan uu daba joogaa falalka amni darro ee ku kordhaya Shabeelaha Hoose.