Inta la ogyahay labbo ruux ayaa ku geeriyooday tiro kalana wey ku dhaawacmeen, dagaal maanta Garoowe ku dhex maray ciidamada Puntland iyo kuwo ka amar qaata mucaaridka.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii mucaaridku ay weerareen fagaare soo dhaweyn loogu sameynayey wiil Youtuber ah.
Mucaaridka ayaa sheegay in ninkan uu baraha bulshada ka aflagaadeeyo, isla markaana aanu u qalmin soo dhaweynta, taas oo sida ay xuseen uu abaabulah Deni.
Dagaalkan ayaa ku soo aadaya xilli, hoggaanka Puntland, iyo mucaaridka ay isku khilaafsan yihiin doorashada maamulkaasi, taas oo lagu kala aragti duwan yahay qaabka ay u qabsoomeyso.