Dagaal culus ayaa ka socda duleedka magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, waxaana uu u dhaxeeyaa Al Shabaab iyo ciidamada dowladda.
Dagaalka ay ka billawday deegaanka Burujeed oo u dhexeeya degmooyinka Guriceel iyo Ceelbuur oo ka wada tirsan gobolka Galgaduud.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ay halkaasi ku lahaayeen ciidamada dowladda, waxaana weli la maqlayaa dhawaqa rasaasta.
Dhinacyada ayaa isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo dagaalka uu socdo ku dhawaad 4 saacadood, waxaana jira guullo ay sheeganayaan ciidamada dowladda.