Faah Faahino ayaa ka soo baxaya dagaal maanta ka dhacay degmada Qoryooleey ee gobolka shabeelada Hoose, kaas oo geystay khasaare kala duwan, isla markaana socday saacado aad u badan.
Dagaalka ayaa u dhexeya laba Maleeshiyo Beeleed oo wada dega degmadaasi, kuwaas oo xurguftooda ay in muddo ah soo jiitameysay.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu si gaar ah uu uga dhacay Xaafada Buula Siidow ee degmadaasi, waxaana barakacay qaar ka mid ah shacabkii halkaasi ku sugnaa.
Lama oga illaa hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka waxaana gabi ahaanba istaagay isku socodka Dadka iyo Gaadiidka, inkastoo markii danbe uu dib u furmay.
Maamulka degmada Qoryooleey ee gobolka shabeelada Hoose ma uusan ka hadlin dagaalkaas, iyadoo weli xiisadu taagan tahay.