(Hortabin Media) – Kooxda Al Shabaab ayaa dilay Taliyihii Nabad-Sugidda degmada Qoryooley Cusmaan Xasan Cabdi (Cusmaan Gaab) kadib weerar ay ku qaadeen kolonyo gaadiid ah oo uu la socday.
Weerarkan jidgalka ah ayaa ka dhacay duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose, oo ay xiligaasi ku safrayeen taliyaha iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa.
Weerarkan Jidgalka ah ayaa qaatay saacado badan, waxana dhinacyadu ay is weydaarsadeen rasaas culus, taas oo sababtay in dadka deegaanka badankood ay goobta ka barakacaan.
Intii uu dagaalku socday ayey wararku sheegayaan in taliyaha ay haleeshay rasaastii la is weydaarsanayey, wuxuuna ku geeriyooday isla goobta, sida ay saraakisha inoo xaqiijiyeen.
Marka laga soo tago Taliyaha, waxaa weerarkan sidoo kale ku geeriyooday seddex ka mid ah ilaaladiisa, waxaana xilliga uu weerarku dhacayey ay ku sii jeedeen deegaanka Danow ee duleedka Qoryooleey.
Gobolka Shabeelaha Hoose inta badan waxaa ka dhacay weeraro ay fuliyaan Al Shabaab, kuwaas oo geysta khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, welina Koonfur Galbeed xal uma helin sifeynta Al Shabaab ee gobolkaasi, oo ay saameyn xooggan ku leeyihiin kooxdu.