Shirkadda diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa shaqada ka fariisisay duuliyayaashii waday duulimaadka lambarkiisu ahaa ET343 ee kasoo kicitamay caasimadda Khartuum kuna socday Addis Ababa. Duulimaadka ayaa si ku meel gaar ah u lumiyay xiriirkii hawada ee Addis Ababa 15-kii bishan.
Duuliyayaasha ayaa la sheegay in labadooduba ay seexdeen balse ay ku soo baraarugeen oo kaliya kadib markii seeriga digniinta ah uu dhawaaqay taas oo u suurto gelisay in ay diyaarada kusoo celiyaan wadadii saxda ahayd ee ay ku duulaysay.
Ethiopian Airlines ayaa sheegtay in diyaaradda ay markii dambe si nabad ah ku degtay ka dib markii lagu guuleystay in lasoo celiyo xiriirkii isgaarsiinta.
Dhamaan shaqaalihii diyaaradda ayaa shaqada laga joojiay inta ay socdaan baaritaanada dheeriga ah, waxayna shirkadu sheegtay in ay ka xuntahay dhacdadan isla markaana ay qaadi doonto tallaabooyin dheeri oo lagu xaqiijinayo bad-qabka rakaabkeeda iyo guud ahaan diyaaradaheeda.
Ahmed Dhaqane, Nairobi