Shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa sheegtay in dalabaadkeedii hore ee A350-900 ay ku bedeshay Airbus A350-1000 taas oo ka dhigaysa diyaaraddii ugu horreysay ee Afrikaan ah ee mar kale yeelata noocyada ugu weyn ee diyaaradaha Afrika.
Shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines oo ah shirkadda ugu faa’iidada badan Afrika ayaa afar ka mid ah lix diyaaradood ee nooca A350-900 ku beddelatay Airbus A350-1000.
Madaxa Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines Group Mr. Mesfin Tasew ayaa yiri, “Waxaan ku faraxsanahay in aan soo iibsanay Airbus A350-1000, waxaan sii wadi doonnaa inaan la soconno horumarka tignoolajiyada duulista si aan kor ugu qaadno adeegyada iyo baahida macaamiisheena. Tani waxay dhabaha usii xaari doontaa in aan sii ahaano hormuudka diyaaradaha qaaradda Afrika.”
Airbus A350-1000 ayaa sanadkan gudihiisa heshay dalabaad ka badan 940 taas oo ka dhigeysa nooca diyaaradaha ee loogu dalab badan yahay.