Golaha Deegaanka magaalada Burco oo kulan yeeshay ayaa xil ka qaadis ku sameeyey Duqii hore iyo ku xigeenkiisii oo lagu kala magacaabo Cabdirasaq Ibraahim iyo Mukhtaar Baaryare.
Golaha deegaanka oo fadhi yeeshay ayaa Maayer cusub u doortay Maxamed Xirsi Axmed, halka Maayer ku xigeenna ay u doorteen Suldaan Jamac Nuux.
Labada masuul ee xil ka qaadista lagu sameeyey, ayaa loo sababeeyey cabasho ka timid shacabka, kuwaas oo aanan ku qancin sida ay u wadeen howlaha loo igmaday.
Golaha Deegaanka ayaa bulshada ka codsaday in ay la shaqeeyaan labada masuul ee la magacaabay, si ay uga soo dhalaalaan kaalintooda.