Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in duqeyn xooggan ay shalay la beegsatay saldhigyo ay Al Shabaab ku lahaayeen gobolka Shabeelaha hoose.
Duqeyntan oo saacado socotay, ayaa laga fuliyey tuulada Haawaay ee gobolka Shabeelaha hoose, waxaana lala beegsaday xubno ka tirsan Al Shabaab.
Xubnaha weerarkan lagu dilay waxaa ka mid ah sarkaal ka tirsanaa Al Shabaab, gaar ahaan qeybta Jabhada, kaas oo magaciisa lagu soo koobay Mucaad.
Sida ay dowladdu sheegtay xubnahan weerarka lala beegsaday ayaa qorsheynayey in ay weerar ku qaadaan saldhigyo ay ciidamada dowladda ku leeyihiin gobolka Shabeelaha Hoose.
Mudooyinkii ugu danbeeyey, dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa saaxiibada caalamiga ah, ayaa kordhisay weerarada ay la beegsaneyso saldhigyo kooxda Al Shabaab.