Saacadihii la soo dhaafay waxaa duqeyn xooggan lala beegsaday goob uu shir uga soconayey xubno ka tirsan Al Shabaab, oo ku taalla gudaha gobolka Shabeelaha Hoose.
Duqeyntan ayaa si gaar ah looga fuliyey inta u dhaxeysa tuulada Haawaay iyo degmada Sablaale, halkaas oo ay shir ku lahaayeen masuuliyiin ka tirsan Al Shabaab.
Duqeyntan ayaa lagu dilay saraakiil ka tirsan Al Shabaab, sida ay sheegeen ciidamada dowladda, walow aan magacyadooda la xaqiijin.
Duqeynta ayaa sidoo kale lagu bur buriyey saldhigyo ay Al Shabaab halkaasi ku lahaayeen, waxaana duqeyntan iska kaashaday Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka.
Duqeyntan waxaa ka sii horeysay duqeyn kale, taas oo toddobaadkan lagu beegsaday gobolka Juabada Hoose, waxaana halkaasi sida la xaqiijiyey lagu dilay 10 ka tirsan dagaal yahanada Al Shabaab.