(Hortabin Media) – Duqeymo culus ayaa saacadihii la soo dhaafay lala eegtay fariisimo ay kooxda Al Shabaab ku leeyihiin gobolka Jubada dhexe.
Duqeyntan ayaa lala eegtay magaalada Bu’aale, gaar ahaan goobo cayiman, kuwaas oo kala ah” Dhismaha xarunta degmada, Xero tababar oo dagaal-yahaanada Al-Shabaab ku lahaayeen duleedka Bu’aale – aagga masjidka Dabaqa iyo Dhismo ku yaallo buundada Bu’aale oo xubnaha Khawaarijta ee Al-Shabaab ku shirayeen.
Duqeyntan ayaa dhalisay khasaare ballaaran, waxana sida dowladda Soomaaliya ay sheegtay lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Al Shabaab, oo ay ku jiraan horjoogayaal.
Lama shaacin magacyada ragga lagu beegsaday duqeyntan, hase ahaatee goobaha laga fuliyey ayaa u muuqda goobo Al Shabaab ay ku ukumo dhaleen.
Al Shabaab ayaanan weli ka hadlin duqeyntan, xilli uu kordhayo caddaadiska ay kala kulmayaan duqemaha ay kaalinta ku leeyihiin saaxiibada Soomaaliya.