Maxamed Axmed Nuur oo ah 50 jir, waxa uu xasuustaa kolkii uu ka soo baxayey gurigiisa oo ku yaallay tuulada Qudhaclay ee ka tirsan gobolka Hiiraan, 30-kii Jannaayo 2023-kii in ay cirka heehaabayeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, balse waxba muu sii raacraacin, maaddaama oo aanay aragtidoodu qariib ku ahayn tuuladan hoos tagta kooxda al-Shabaab.
Mar dambe oo maalinnimadaas ah, Maxamed waxa uu ku sugnaa aas aan deegaanka ka fogayn kolkii uu soo gaadhay warka duqaynta ku sahabsani, dabadeedna waxa uu u soo cararay goobtii uu weerarka naxdinta lehi ka dhacay. “Waxaan arkay qaybo ka mid ah hilbihii ubadkayga oo gubtay iyo maydadka dhallinyaro kale oo weli ololaya” ayuu Maxamed ku yidhi jariiradda Foreign Affairs, waxaanu intaas sii raaciyey “Geedka hoostiisa oo dhan ayuu hadhaagii cadkoodu ku wadhnaa”.
Maxamed, waxa uu sheegay in goobta ay ku sugnaayeen qaar ka mid ah dagaalyahannadda al-Shabaab, kolkii uu soo gaadhay, kuwaas oo u socday inay aqoonsadaan dadkii duqaynta ku naf waayey. Sidaas awgeed, kolkii ay ogaadeen in meesha lagu halaagay wiilal yar yar, cid iyaga ka tirsanina aanay waxba ku noqon waa ay iska holeeleen. Guud ahaan duqayntan waxa ku naf waayey toddoba wiil oo dhallinyaro ah, kuwaas oo shan ka mid ahi aanay weli gaadhin da’da qaangaadhka. Maxamed, waxa uu aabbe u ahaa saddex ka mid ah wiilaashaas oo kala ahaa: Axmed Maxamed Nuur, 20 jir, Cabdiqaadir Maxamed Nuur, 18 jir, iyo Qays Maxamed Nuur, 8 jir. Sidoo kale, waxa qayb ka ahaa wiil uu Maxamed adeer u yahay oo 17 jir ah, iyo saddex cunug oo da’doodu kala ahayd 11 jir, 13 jir iyo 14 jir.
Turkiga oo gacan ka helaya ha’yadda nabadsugidda Soomaaliya(NISA) ayaa duqaymo dhanka cirka ah ku qaada kooxda al-Shabaab isagoo adeegsanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. (Maraykanka iyo Imaaraadka ayaa iyaguna hawlgalladan oo kale Soomaaliya ka fuliya). Hay’adda Sirdoonka iyo Amnigu (NISA) kolka ay u soo gudbiso xogaha sirdoonka ayuu dabadeed Turkigu duqaynta fuliyaa. Sida laga soo xigtay laba sarkaal oo hay’adda sirdoonka ka tirsan kuna sugan magaalada Muqdisho, Weerarkii Qudhaclayna jaranjaradaas oo kale ayuun buu maray. (Labadan sarkaal ayaa codsaday in aan magacooda la shaacin, maaddaama oo aanay oggolaansho u haysan in ay saxaafadda la hadlaan).
Laga soo bilaabo duqayntii Qudhaclay, waxa Turkiga lagu eedeynayaa in uu duqaymo baaxad leh ka geystay Soomaaliya, kuwaas oo ay dad rayid ahi ku waxyeeloobeen. Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ayaa si aad ah ugu sii dhex faafaya Afrika; gobolka Saaxil, Liibiya illaa Itoobiya.
Turkigu Soomaaliya ku soo galay, ka dib markii ay macaluushu ka dillaacday sannadkii 2011 si uu u badbaadiyo nafo si aadaminimo. Tan iyo waagaas na waxa uu ku dhex xididaystay kaabayaasha dhaqaalaha iyo haayadaha ammaanka Soomaaliya. Dagaalka al-Shabaab oo ah saaxiibka ugu weyn ee al-Qaacida, ayuu haddana door laxaad leh ka qaadanayaa, balse cidda uu dhibka ugu weyni soo gaadhayaa mar walba waa dadka shacabka ah.
Sidoo kale Mareykanka ayaa dhawaan Nabadoon ku dilay deegaan hoostaga gobolka Sanaag, waxaana ay sheegeen inuu argagixisada garab siinayey weliba dhanka saadka hubka ee Al Shabaab.
Ehelkiisa ayaa si aad ah uga hadlay kiiska lagu dilay nabadoonka, inkastoo dowladda Mareykanka aysan jawaab rasmi ah ka bixin, mana ahan markii ugu horeysay oo dad rayid ah ay saameeyaan duqeymaha Mareykanka.
Si kastaba Dowladdaha Soomaaliya ka taageera dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab si gaar ah howlagalada Duqeymaha ayaa mararka qaar beegsada dad rayidka ah, waana arrinta ugu daran ee waqtigan ay walaaca ka muujinayaan bulshada Soomaaliyeed.

