Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaalle ayaa kulan la qaatay
Ku simaha Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Kiki Gbeho, iyo xubno ka tirsan xafiiska UNSOM.
Gudoomiyaha iyo Kiki ayaa kulankooda diirada ku saaray arrimo badan oo muhiim u ah dowladnimada Soomaaliya.
Kulanka ayaa ugu horey looga hadlay, xaaladda amniga Muqdisho, iyo halka ay marayaa howlgalada Al Shabaab looga saarayo dalka.
Kulanka waxaa sidoo kale lagu lafa guray, waayaha ay qaabilayaan barakacayaasha ku dayacan duleedka Muqdisho, oo waqtigan wajahaya xaalad adag oo dhanka bani’aadminimada ah.
Kulanka intii uu Socday Kiki ayaa soo dhaweysay qorshaha Duqa Muqdisho ee ah dalkaaga ku dhiso $1, iyadoo ballan qaaday in qorshahaas ay kaalin ka geysanayaan, ka Qaramada Midoobay ahaan.