Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag dhan US$3.88 milyan oo ah caymiska Takaful ee xoolaha, Lacagtan waxaa si toos ah loo gaarsiiyay xoolo-dhaqatada dalka ee ka faidaystay barnaamijka DRIVE ee caymiska xoolaha.
Lacagtan waxaa helay 17,734 xoolo-dhaqato ah oo is diwaangeliyay xilliyadii Gu’ga (April 2025) iyo Dayrta (October 2025), Bixinta caymiskan waxay timid kadib markii tusmada abaaraha Takaful ee ku salaysan xogta dayax-gacmeedka uu xaqiijiyay in roob la’aantii dhacday Dayrtii October–December 2025 ay si weyn u baabi’isay dhul-daaqsimeedka gobollo badan.
Xoolo-dhaqatadii iibsatay caymiska abaaraha waxaa lacagaha si toos ah loogu shubay akoonnadooda moobilka, Qoysaska helay lacagtan ma aheyn kaalmo la siiyay, balse waa dad horey u iibsaday caymiska Takaful, oo ah nidaam waafaqsan Shareecada Islaamka kuna dhisan mabda’a wadaagga khataraha iyo iskaashiga bulshada.
Caymiska Takaful waa aalad maaliyadeed oo lagu xoojinayo adkeysiga dhaqaale ee xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed, Barnaamijka DRIVE waa tusaale ka mid ah hindisaha cusub ee Bangiga Adduunka ee la yiraahdo ‘AgriConnect’, kaas oo isku xiraya saddex arrin oo muhiim ah: 1-dib-u-habayn sharciyeed (sida hirgelinta Sharciga Takaful), 2-maalgelin guud iyo mid gaar, iyo 3-maalgashiga kaabayaasha dhijitaalka ah, Waxa uu si isku dhafan isugu xirayaa suuqyada xoolo-dhaqatada, adeegyada maaliyadeed, tignoolajiyada, iyo horumarinta xirfadaha.
