Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay si buuxda u garab istaagsan tahay siyaasadda “halka dal” ah ee dalka Shiinaha.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in Soomaaliya ay si buuxda u taagereyso madax-bannaanida siyaasadeed, midda dhuleed iyo midnimada dal weynaha Shiinaha, ayna ku baaqayso in loo hoggaansamo qaraarada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.
Qoraalka ayaa sidoo lagu sheegay in Soomaaliya ay si buuxda ugu aqoonsann tahay in Taiwan ay tahay qayb ka mid ah dhulka Shiinaha.
Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa kusoo aadaya kadib muran dhawaan ka dhashay booqashadii Taiwan ay ku tagay Afhayeenka Aqalka Sare ee Mareykanka Nancy Pelosi.
Maxamed Xuseen, Muqdisho