(Hortabin Media) – Dowladda Soomaaliya ayaa sanadihi ugu danbeeyey qoroneysay ciidamo aad u fara badan, waxaana badankood ay tababaro ku soo kala qaateen dalal kala duwan.
Ciidamadan oo ah ku hubeysan, ayaa waxaa dhibaato xooggan ku qaba qaarkood dadka rayidka ah, waa kuwo si joogta ah ugu handada rayidka, hubka ay sitaan.
Waxaa kale oo jirta in ciidamadan, uu mararka qaar dhex maro dagaal khasaare geysta, kadib marka ay is khilaafaan ama is aqoonsan waayaan.
Dhamaan qodobadan iyo baajintooda ayaa dowladda Soomaaliya looga fadhiyaa, taas oo haddii ay ku guuleysato wax weyn ka tareysa amniga dadka rayidka ah iyo in ay helaan xasilooni ay ku naaloodaan.
Ururada Bulshada rayidka, ayaa dowladda usoo jeedinaya in ciidamada ay ka aruuriso hubka, marka ay magaalada soo galayaan, taas oo yareyn karta khasaare soo gaara dadka shacabka ah.
In badan madaxda maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa ku cel celisay in aan la aqbali doonin, askarigii hubka dowladda ku dhibaateeya qof shacab ah ama askari kala tirsan ciidamada, waxaana kal hore xukunno qisaas ah iyo kuwo xabsiyo dhaadheer lagu soo oogay, askar geysatay gabood falo kala duwan.