Af-hayeenka Wasaarada Gashaandhiga General Cabdulaahi Cali Caanood oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ugu horeyn ka warbixiyey diyaar garowga loogu jiro wajiga labaad ee dagaalka Al Shabaab, oo uu sheegay inuu hadda ka si billawday deegaano ka tirsan Hirshabelle.
Cabdulaahi Cali Caanood ayaa baaq u diray shacabka u sugan meelaha ku jira gacanta Al Shabaab, isagoo faray in ay isaga soo tagaan goobahaasi, oo sida uu sheeagay lala beegsan rabo weeraro dhanka cirka ah.
Afhayeenka Wasaarada Gaashaandhiga ayaa ugu danbeyntii sheegay in marka la eego qaabka ay u diyaar garowday dowladda Soomaaliya ay ururka al shabaab ku soo afjari doonaan inta uu socdo wajiga labaad ee dagaalka.
Maalmihii ugu danbeeyey ayaa waxa ay dagaallo looga soo horjeedo ururuka AL Shabaab ay ka dhaceen deegaanno ka tirsan maamullada Hirshabelle iyo Galmudug, kuwaas oo ciidamada dowladdu ay guullo ka soo hoyeen, waxaana dagaalladani ay ku soo beegmayaan xilli Madaxweynaha Soomaaliya uu mudooyinkii ugu danbeeyey fariisin ka dhigtay magaalada Dhuusamareeb halkaas oo uu ka hoggaaminayo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.