Wasiirka Warfaafinta xukuumada Soomaaliya Daa’uud Aweys oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey howgal gaar ah oo ay iska kaashadeen ciidamo dowladda iyo saaxiibada caalamiga, kaas oo laga fuliyey deegaanka Shabeelow ee koonfurta gobolka Mudug.
Howlgalkan oo ahaa duqeyn dhanka cirka ah, ayaa lala beegsaday goobo ay ku dhuumaaleysanayeen xubno ka tirsan, kuwaas oo halkasi lagu laayey sida uu wasiirku ka dhawaajiyey.
Wasiirka ayaa sidoo kale soo hadal qaaday howlgal ay ciidamada deegaanka ee ka howl gala xin labi ay ka fuliyeen meel u dhaw deegaanka dabagalo, kaas oo lagu soo qabtay gaari ay lahaayeen Al Shabaab, wuxuna dhanka kalana xusay in ciidamada deegaanka ay xoojiyeen kaalintooda ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in khasaare lagu gaarsiiyey Al Shabaab weerar ay ciidamada deegaanka ku qaadeen dhul howd ah oo u dhaw deegaanka Bud-bud.
Mudooyinkii ugu danbeeyey dowlado Soomaaliya iyo ciidamada deeganka oo iskaashanaya ayaa howlgalo ka waday deegaanno ka tirsan maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle, iyadoo howlgaladaasina ay dowladu sheegtay in guullo laga soo hoyey.