Afhayeenka Wasaaradda GaashaandhiggaSheekh Abuukar Maxamed Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey dagaal culus oo ay kooxda Al Shabaab ku soo qaadeen saldhigii ay ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaanka Bariire.
Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay iska caabiyeen kooxdii Al Shabaab ee weerarka ku soo qaaday, wuxuuna xusay in ay ka carareen meydad fara badan.
Kooxda Al Shabaab ayaa weerarkan qaaday xilli aroor ah, iyagoo doonaya in ay cagta mariyaan guud ahaan saldhiga ciidamada dowladda ee Bariire, kaas oo dhawaan ay ciidamada Gorgor kala wareegeen ATMIS.
Hortabin Media ayaa ogaatay in dagaalkaasi uu ku geeriyooday taliyihii ciidamada Gorgor ee deegaanka Bariire, kaas oo lagu magacaabi jiray Cabdisalaan Jaamac iyo askar kale, kuwaas oo aan tiradooda la shaacin ilaa iyo iminka.
Xaaladda deegaanka Bariire ayaa iminka degan, waxaana si buuxda gacanta ugu hayo ciidamada dowladda Soomaaliya, waxeyna sheegeen in ay ku daba jiraan kooxdii Al Shabaab ee weerarka soo qaaday.