Dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku soo dhigtay 5- nin, kuwaas oo saameyn ballaaran ku lahaa weeraro qaraxyo ah oo ka dhacay gudaha Caasimadda.
Raggan oo ka tirsanaa Kooxda Al Shabaab, ayaa kaalin weyn ka qaadatay fududeyn weeraro ay ku geeriyoodeen shacab aad u fara badan, sida ay dowladda Soomaaliya shaacisay.
Raggan oo ka soo muuqday Barnaamijka Gungaar ee ka baxa Taleefashinka dowladda, ayaa la sheegay in ay sanado badan ka tirsanaayeen Al Shabaab, iyagoo maleegay weeraro kala duwan.
5-nin ayaa door muuqda ku lahaa weeraradii kal hore lagu qaaday Hotel Xayaat, Hotel Elite, Hotel Afrik, xarunta maamulka gobolka Banaadir, kuwaas oo ay ka dhasheen khasaare baaxad leh.
Raggan ayaa sidoo kale la xusay in ay abaabuleen weeraradii qaraxyada ahaa ee ka dhacay Hotel Villa Rays, Hotel Pral Beck, Stadium Muqdisho, maqaayadda Jawi Coffe iyo kii loogu magac daray Soobe 2.
Raggan ka soo muuqday shaashadaha ayaa ka warbixiyey kaalintii ay ku lahaayeen weeraradaasi, oo tirada dadka ku geeriyooday ay aad u fara badnaayeen, waxaana dhamaantood ay qirteen eedaha loo jeedinayo.