Howlgal ay ciidamada dowaldda Soomaaliya ka fuliyeen deegaanka Galcad ee gobolka Galgaduud ayaa lagu dilay xubin ka tirsan Al Shabaab, kaas oo magaciisa lagu sheegay Cali Qoyane.
Cali Qoyane ayaa ka mid ahaa Al Shabaabka ka dagaallama gobolka Hiiraan, wuxuuna muddo badan dhibaato ku hayey dadka deegaanka.
Maxkamadaha darajooyinka kala duwan ee dalka ayaa isaga oo maqana ah horey ugu riday xukun dil ah, maddaama uu geystay falal badan oo argagax leh.
Howlgalkan waxaa sidoo kale lagu beegsaday ilaa 3- nin oo kale, kuwaas oo ka tirsanaa Al Shabaab, sida lagu sheegay war ka soo baxay dowladda Soomaaliya.
Al Shabaab weli kama hadlin howlgalkan lagu qaarajiyey xubnahan muhiimka u ah, waxaana dilka raggan uu ku soo aaddayaa xilli maalmihii ugu danbeeyey ay dowladdu kordhisay weerarada ay ku beegsaneyso xubnaha ka tirsan Al Shabaab.