Wasaarada Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa canshuur kordhin ku sameysay badeecadaha kala duwan ee ka soo dega dekedda Muqdisho.
Marka laga soo tago raashinka quutul daruuriga ah, canshuur kordhintan ayaa taabaneysay agab walba oo laga soo dejiyo dalka.
Dowladda Soomaaliya ayaa arrintan ku micneysay in ay dooneyso kordhinta dakhliga dalka soo gala, kaas oo sida ay sheegtay iminka aad u hooseeya.
Dhanka kale waxaa arrintan la xiriirtay canshuur kordhintay cabasho xooggan ka muujiyey ganacsatada, kuwaas ku tilmaamay in dowladda ay caddaadis saareyso nolosha dadka Soomaalida, maaddaama agabkan uu muhiim u yahay iyaga.
Ganacsatada ayaa ku doodeysa in canshuurta lagu soo rogay ay tahay mid xad dhaaf ah, oo aysan xamili karin, waxaana arrintan ay sababtay in maanta uu hoos u dhac ku yimaado howlihii shaqo ee dekadda Muqdisho.
Ganacsatadu waxey cabsi ka muujiyeen in maalmaha soo socda ay canshuur kordhinta saameyn doonto raashinka quutul daruuriga ah, arrintaas oo dhibaato culus ku ah bulshada Soomaaliyeed.
Waxey intaasi ku dareen in Canshuurta iminka lagu soo rogay aanay ku jaan go’neyn qiimaha alaabta ay keenaan dalka, maaddaama alaabta qaar qiimaha lagu soo dejiyo mid ka badan la saaray, taas oo iyana walaac kale abuureysa.
Si kastaba arrintan ayaa ah mid aad looga hadal hayo gudaha Muqdisho, gaar ahaan suuqyada kala duwan ee ku yaalla Caasimadda, lamana ogga waxa iska baddeli doono go’aanka dowladda oo waqtigan fila’waa ku noqday ganacsatada iyo shacabka ka dukaameysta suuqayada Muqdisho.

