Dowladda Itoobiya ayaa ka fal celisay booqashada ergada gaarka ah ee Mareykanka iyo Midowga Yurub ay ku tageen magaalada Mekele ee gobolka Tigrey.
Lataliyaha Amniga Qaranka Redwaan Xuseen ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay ka xuntahay in ergada gaarka ah ee Mareykanka iyo Midowga Yurub ay aqbalaan shuruudaha hordhaca ah ee fallaagada TPLF ee ku aadan wada hadaladda nabadda.
Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa bayaan ay si wada jir ah usoo saareen ku dalbaday in dib loo soo celiyo adeegyada aasaasiga ah sida korontada, isgaarsiinta iyo bangiyada ee gobolka Tigray kuwaas oo muddo ka badan hal sano ka maqnaa gobolka.
Inkastoo labada dhinac ay todobaadyo ka hor sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay bilaabaan wada xaajoodyada nabadda ayaa illaa iyo hadda wax horumar ah oo la taaban karo laga gaarin.
Dabayaaqadii bishii March ayay aheyd markii labada dhinac gaar ahaan dowladda Itoobiya ay si rasmi ah ugu dhawaaqday xabad joojin si dib loogu bilaabo gargaarka bini’aadantinimo kaas oo hakad galay muddo saddex bilood ah.
Axmed Dhaqane, Nairobi