Dowladaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Norway ayaa si wada jir ah walaac uga muujiyay muddo kordhinta labada sano ah ee ay hogaamiyayaasha Koonfurta Suudaan ku dhawaaqeen maanta. Madaxweyne Salva Kiir iyo ku xigeenkiisa Riek Machar ayaa ku dhawaaqay in dawladda ku meel gaarka ah ee dalka ay sii hayn doonto xukunka laba sano oo dheeraad ah taas oo dhaafsiisan wakhtigii kama dambaysta ahaa ee lagu heshiiyey.
Mareykanka, Ingiriiska iyo Norway ayaa diiday in ay ka qeyb galaan shir uu isugu yeeray madaxweyne Salva Kiir saaxiibada caalamka ee Koonfurta Suudaan.
Saddexdan dal oo ah deeq-bixiyeyaasha ugu waa weyn ee Koonfurta Sudan, ayaa su’aal ka keenay muddo kororsiga iyagoo sheegay in ay tahay mid hal dhinac ah oo ay san dhinacyada dalkaasi u wada dhameyn.
“Waxaan warqadan kuugu soo qornay si aan kugu muujino welwelka aan ka qabno la tashi la’aanta bulshada rayidka ah, kooxaha caqiidada ku salaysan, ganacsatada, kooxaha haweenka, wakiilada dhalinyarada, shakhsiyaadka caanka ah iyo saaxiibada caalamiga ah ka hor inta aan la bedelin heshiiska nabadda,” ayay fariin qoraal ah oo ay si wadajir ah ugu direen madaxweyne Kiir ku yiraahdeen.
Madaxweyne Kiir iyo ku xigeenkiisa Riek Machar ayaa sanaddii 2018-ka heshiis nabadeed ka gaaray collaaddii ka jirtay dalkaasi.
Axmed Dhaqane, Hortabin Media