Todobaadyadii ugu danbeeyey waxaa dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ka socday olole looga hortagayo kansarka ku dhaca Makaanka dumarka.
Tallaalka lagaga hortagayo virus-kan ku dhaca Makaanka dumarka, ayaa waxaa ka faa’iideystay boqol kun oo gabdho ah, oo laga soo ururiyey deggaanada uu ka kooban yahay dowlad deggaanka Soomaalida
Gabdhahan la tallaalay ayaa badankood ah kuwa wax ka barta dugsiyada iyo jaamacadaha ku yaalla dowlad deggaanka Soomaalida Itoobiya, taas oo noqotay tallaabo caafimaad oo la bogaadiyey.
Madaxda Dowlada Degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegtay, in tallaalkan ay sii wadi doonaan, waxaase iminka soo gaba gaboobay wajigiisii koowaad.
Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dumarka ayaa sanadihii ugu danbeeyey dhibaatooyin xooggan kala kulmayey xanuunka kansarka, gaar ahaan kuwa ku dhaca Naasaha iyo Makaanka ilmo galeenka.