Imaaraadka Carabta ayaa xiligan door muuqda ku leh dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh, iyagoo ka caawinaya arrimo badan.
Imaaraadka Carabta oo ku fashilmay in ay la shaqeeyaan dowladii Farmaajo uu hoggaaminayey, ayaa waqtigan libin u aragta in Qatar ay kaga gacan sareeyaan siyaasadda Soomaaliya.
Dhawaan waxa ay la kulmeen Ra’iisul Wasaaraha dalka, iyagoo ku wargaliyey in kaalin ka geysanayaan dagaalka Al Shabaab, sida in ay dhaqaalle ku bixiyaan.
Waxey Imaaraadku sidoo kale ballan qaadeen, in ay dalka ka hirgalin doonaan mashaariic badan oo horumarineyd, kuwaas oo wax looga badalayo xaaladda Soomaaliya.
Wadamada Khaliijka ayaa in badan ku baratamayey xaaladda Soomaaliya iyo sidii ay door muuqda ugu yeelan lahaayeen siyaasadda Soomaaliya, waana kuwo dhaqaalle badan ku bixiyo doorashooyinka dalka si ay rabitaankooda uu ugu hirgalo.