Guud ahaan codbixinta doorashada dalka Kenya ayaa maanta si nabad ah oo habsami leh u dhacday, inkastoo ay jireen dib u dhacyo iyo cilado dhanka qalabka elektarooniga ah oo laga soo sheegay obolada dalka qaarkood.
Doorashadan oo ah mid si weyn indhaha caalamka loogu hayo ayaa waxaa is diiwaan geliyay in ka badan 30% 22 milyan oo codbixiyeyaal ah sida uu sheegay guddiga doorashada.
Shacabka reer Kenya ayaa la arkayay iyagoo safaf dhaadheer ugu jira goobaha kala duwan ee loo asteeyay codbixinta. Shacabka ayaa sidoo kale u codeynaya mudanayaasha golaha wakiilada iyo dawladaha hoose oo isku mar dhacaya.
Codeyntan ayaa daba socota olole xooggan oo ay hareeyeen doodo ku saabsan qiimaha nolosha, shaqo la’aanta iyo musuqmaasuqa.
Musharaxiinta ugu cad cad ee u taagan xilka Madaxweynaha ayaa kala ah Ra’iisul Wasaarihii hore ee Raila Odinga iyo Madaxweyne ku xigeenka hadda William Ruto.
Iyadoo ay jiraan welwel laga qabo suurtogalnimada rabshado mar kale hareeya doorashadan gaar ahaan natiijada doorashada madaxweynaha ayaa dhan kale murashaxiinta ku baratamaya xilka madaxweynaha waxay taageerayaashooda ugu baaqeen in si nabad galyo ah ay u dhiibtaan codadkooda. Uhuru Kenyata ayaa isna dhankiisa ka xoojiyay baaqa madaxda kale ee ah in si nabdoon oo xasiloonida dalka aan wax u dhimeyn loo codeeyo isla markaana loo ixtiraamo natiijooyinka ay ku dhawaaqaan guddiga doorashada.
Muran ka dhashay natiijadii doorashadii 2007dii ayaa horseeday rabshado toddobaadyo socday oo sababay dhimashada dad lagu qiyaasay 1,200 oo qof, iyo barakaca dad gaarya illaa 600,000.
Axmed Dhaqane, Nairobi