(Hortabin Media) – Waxaa Sacaadihii la soo dhaafay kooxo burcad badeed ah ay doontii labaad ka afduubteen xeebta degmada Qandala ee Gobolka Bari.
Doonta la afduubtay oo ahayd mid kalluumeysi ayaa laga lahaa dalka Iran, waxaana saarnaa shaqaalo Iraaniyiin ah iyo nin Soomaali ah, oo waardiye ka ahaa doontaasi.
Gudoomiyaha Degmada Qandala Axmed Yuusuf Khuurshe oo bahda Saxaafada la hadlay, ayaa xusay in burcada doonta ay afduubatay ay ahaayeen kuwo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in lagu daba jiro burcadii doontaasi afduubatay, waxaana doontan ay ka mid tahay ku shatiga sharciga ah u heysta in ay ka kalluumeystaan xeebaha Puntland, kadib heshiis ay maamulkaasi kal hore la galeen.
Doontan ayaa noqoneysa tii labaad ee muddo toddobaad gudihiisa laga afduubta xeebaha Puntland, iyadoo toddobaadkii hore xeebta Garacad laga qafaashay doon ay lahayd isla Iran.