Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee B-I oo ah kuwa qaada bambooyinka culus ayaa saacadihii la soo dhaafay ku duulay meel aan ka fogeyn xeebaha dalka Venezuela, taas oo daba joogto handadaadii ka soo yeertay Mareykanka ee ahayd inuu weerari doono Venezuela.
tallaabadan oo lagu sheegay digniin ku socota madaxweynaha Venezuela,Nicolás Maduro oo ku adkeysanaya inuu xukunka sii joogo, halka Mareykankuna uu doonayo inuu kursiga ka tuuro.
Nicolás Maduro ayaa horey u sheegay inuu diyaar u yahay dagaal uu la galo Mareykanka, waxaana gudaha Venezuela la hubeeyey dhamaan dadka rayidka, si ay iskaga caabiyaan haddii Mareykanku soo weeraro.
Mareykanka ayaa dhowr jeer usoo jeediyey Nicolás Maduro inuu xilka isaga tago maaddaama aysan aqoonsaneyn doorashadii uu ku soo baxay, balse Maduro ayaa dhagaha ka xirtay weedhahaasi ka soo yeeray Aqalka Cad.
Mareykanku wuxuu sheegay in xil ka tagista Nicolás Maduro ayaa fududeyneyso in laga baaqsado dagaal ka qarxa gudaha Venezuela, halkaas oo uu Trump sheegay in ay weerari doonaan ciidamada Mareykanka.

