Waxaa maalmihii la soo dhaafay kordhay dilalka Soomaalida loogu geysanayo dalka Koonfur Afrika, waxaana in ka yar 48 saacadood lagu dilay saddex muwaadin oo Soomaaliyeed,xilli dalkaas ay ku sugan yihiin wafdi ka socda dowladda Soomaaliya.
Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa weeraray Dukaamo ay ku sugnaayeen muwaadiniin Soomaaliyeed oo kuyaalla Xaafada Tembalatu Ee Magalada George Ee Gobolka Western Cape, iyaga oo dhowr xabadood ku riday.
Dad goobta ka agdhawaa ayaa warbaahinta u sheegay in Rasaasta ay Kooxaha burcadda ah rideen uu ku dhintay Muwaadin Soomaaliyeed oo Magaciisa lagu sheegay Xuseen, kaas oo ku sugnaa dukaanka la weeraray.
Sidoo kale weerarkaas ayaa waxaa ku dhaawacmay muwaadin Soomaaliyeed oo kale iyo Nin u dhashay dalka Itoobiya, kuwaas oo Shaqaalo ka ahaa goobaha Ganacsiga ee la weeraray.
Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika ayaa tegay Goobta uu weerarka ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlgallo baaritaano ah, wallow aysan ku guuleysan in ay qabtaan dadkii ka dambeeyay weerarkaas.