Waxaa labadii casho ee aynu ka soo gudubnay isi soo tarayey dilalka ay askarta u geysanayaan shacabka ku nool magaalada Muqdisho.
Toddobaadkan waxaa la diwaan-geliyey dhowr kiis, waxaana dilalkii ugu danbeeyey ay dhaceen sabtidii aynu ka soo gudubnay, markaas oo labbo qof oo shacab ah siyaabo kala duwan loogu dilay Muqdisho.
Mid ka mid ah dadka la dilay ayaa ahaa wiil dhallinyaro ah, waxaana dilka u geystay askari ka tirsan ciidamada dowladda, xilli uu wiilku saarnaa mooto Bajaaj.
Sidoo kale askari ka tirsan ciidamada dowladda, ayaa gudaha caasimada ku dilay nin da’diisa lagu sheegay 40-jir, kaas oo ka yimid dhawaan gobolka Mudug.
Askartii dilkan geysatay ayaa baxsatay, waxaana xusid mudan in laamaha amniga aanay weli arrintan ka hadlin, taas oo walaaca ku kordhineysa dadka rayidka ah.
Inta badan Muqdisho waxaa ku soo noq noqda dilalka ay askartu u geystaan dadka rayidka ah, waxaana qaarkood la soo taagaa maxkamada ciidamada qalabka sidda, iyadoo xukunno kala duwan lagu rido.