Madaxweynihii dowladii KMG ahayd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynihii dhawaan kursiga ka dagay Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, oo ayaa waqtigan muujinaya isku soo dhawaansho siyaasadeed.
Farmaajo oo hore Ra’iisul Wasaare uga soo noqday dowladdii KMG ahayd ee Sheekh Shariif, ayaa waqtigan mar kale jaal ku noqonaya siyaasadda, iyagoo u wada baratamaya kursiga ugu sareeya dalka.
Labada nin ayaa xal waara ka gaaray khilaaf in muddo ah u dhaxeeyey, kaas oo abuurmay intii uu Farmaajo kursiga ku fadhiyey, markaas oo uu Shariifku dhowr mar qeylo dhaan ka muujiyey falal lagula kacay oo laga xusi karo in loo diiday inuu dalka ka baxo.
Iminkan labadan Madaxweyne, waxey durayaan arrinta la xiriirta dhameystirka Dastuurka, iyagoo sheegaya in waqtigan aanay muhiim ahayn, sababo la xiriira in dhameystirkiisa aanan laga wada arrinsan.
Kulankoodii ugu horeeyey ayaa qabsoomay labbo casho ka hor, waxeyna si xooggan uga wada hadleen arrimaha la xiriira Dastuurka, iyagoo muujiyey in aanay ku qanacsaneyn howsha uu Barlamanku wado ee wax ka baddelka loogu sameynayo Dastuurka.
Waxey labada Madaxweyne isku raaceen in ay sii wadaan kulamada ay uga soo horjeedaan dhameystirka Dastuurka, taas oo saameyn ballaaran yeelan karta.
Labada masuul ayaa saaxiibo siyaasadeed la ah xildhibaano badan oo ku jira Barlamanka, waxaana iskaashigooda uu cuuryaamin karaa howsha dastuurka ee Barlamanka hortaalla, iyadoo ay xusid mudan tahay inuu Isniintii shalay ahayd baaqday kulankii Barlamanka, kadib markii ay soo xaadiri waayeen xildhibaano badan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isaga qudhiisa dareensan saameynta uu kacdoonka Madaxweynayaashan yeelan karo, iyo quwada ay ku leeyihiin Barlamanka dhexdiisa.
Xasan Sheekh ayaa horey ugu gacan seyray Farmaajo Iyo Shariif, kuwaas oo doonayey in ay xaliyaan khilaafka Puntland iyo dowladda dhexe, arrintaas oo ay aad uga caroodeen labada masuul, waana sababta rasmiga ee ka danbeysa diidamadooda ku aaddan arrimaha Dastuurka, iyadoo in la xuso ay mudan tahay in fekirkan uu la qabo Madaxweynaha maamulka Puntland.
Si kastaba, cutubka 5-aad ayaa la marsiinayaa wax ka baddelka Dastuurka, oo ahmiyad weyn ugu fadhiya Soomaaliya, inkastoo dhameystirkiisa lagu kala aragti duwan yahay.