Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta kormeer ku tagay dhismaha xarunta cusub ee daryeelka dhawacyada u baahan gargaarka deg-dega ah oo haatan dhismaheeda marayo heer gabagabo ah, taas oo lagu dhisayo dhaqaale ay iska aruuriyeen Shacabka Soomaaliyeed.
Xaruntaan oo ay hirgalinayso SoDMA ayaa laga dhex dhisayaa gudaha isbitaalka weyn ee Madiina, waxana Guddoomiyaha uu kormeeray qaybaha kala duwan ee dhismaha xaruntaan, isagoo shahaado sharaf guddoonsiiyay Agaasimaha Isbitaalka Dr Maxamed Cabdiraxmaan iyo shaqaalaha isbitaalka taasoo ay ku muteysteen sida ay ugu adeegaan bulshada.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa sheegay in wada-shaqeyn dhaw ay ka dhaxeyso SoDMA iyo maamulka Isbitaal Madiina, marka ay timaaddo xaaladaha Gurmadka deg degga ah, isagoo ku aammanay sida ay marwalba ugu adeegaan ummada Soomaaliyeed.