Caruurta Soomaaliyeed ayaa indhaweydba ahaa kuwa la mataanoobay waaya adag, oo ugu biiray tii waxbarasho la’aan ee heysatay muddooyinkii ugu danbeeyey.
Dhibaatooyinka dalka ka jira ayaa saamaxay, in caruur badan oo gaartay heerkii waxbarashada aanay aaddin Dugsiyada cilmiga laga kororsado, sababo la xiriira in aanay waalidiintooda gacanta ku heynin dhaqaalihi lagu geyn lahaa xarrun waxbarasho.
Waalidiinta qaar ayaa caruurta u dirsada howlo aad u culus, sida in ay kabaha baalashaan ama ay duudka ku soo qaadaan jirkaamada biyaha, taasoo ah masuuliyad ka weyn da’dooda isla markaana dhibaato ku ah caafimaadkooda.
Caruurta qaar ayaa ka dhaxla shaqooyinkaasi caqabado kala duwan, sida in lagu dafiro xuquuqdooda ama loo gacan qaado, waana dhibaato sanadihii ugu danbeeyey ku baaheysay gudaha dalka.
Waalidiinta barakacayaasha oo qeyb weyn ka ah, kuwa caruurta ku amra qabashada shaqooyinka culus, ayaa mararka qaar ubadkooda gaar ahaan gabdhaha u dirsada keymaha cidlada ah si ay uga soo guraan xaabo ama jaawo ay reerku dabka ku shitaan, waxanna labo todobaad ka hor ay rag arxan darran kufsi Duleedka Kaxda ugu gaysteen gabar 14 jir ah oo ku howlanayd ururinta xaabada.
Caruurta qaar ayaa sidoo kale loo adeegsadaa in ay qeyb ka noqdaan falalka amni darro ee dalka ka jira, waxanna u badan kooxaha xagjirka ah oo askareeya caruurta si ay danahooda ugu fushadaan.
Dalka Soomaaliya ayaa kaalmaha hore kaga jira, meelaha ay caruurtu kala kulmaan tacadiyada kala duwan, waxanna la aaminsan yahay in caqabadaha ay iminka wajahayaan, uu saameyn ku yeelan doono mustaqbalkooda iyo kan dadka ay la nool yihiin, taasoo sababeysa in ay sii socdaan dhibaatooyinka kala duwan ee dalka heysta, maadaama ubadkasi aysan waxbarasho iyo daryeel qofnimo ka helin dowladda iyo bulshada inteeda kale.