Gudaha dalka waxa muddooyinkii ugu danbeeyey qaar ka mid ah dhalinyaradu ay noqdeen kuwa daroogo ahaan u isticmaala cirbado iyo kaniiniyo xanuun baabi’ye xooggan ah, Kuwaasoo kuwii qabatimay Opiates-ka laga helay xanuuno u badan kuwa dhimirka ku dhaca.
Jaadka, sigaarka iyo buuriga ayaa sanado badan ahaa muqaadaraad caan ka ah, Soomaalida dhexdeeda, hase ahaatee iminka waxaa ku soo biiray balwado kale, oo sida la sheegayo ka halis badan kuwaasi.
Kaniiniga Taramadool iyi Pethidine oo ah xanuun baabi’yayaal xooggan, isla markaana la siiyo bukaanada dhaawacyada halista ah ay soo gaaraan, ayaa iminka balwad ay maanka ku dooriyaan u noqday qaar badan oo ka mid ah dhalinta ku nool gudaha dalka, waxanna ay ka isticmaalaan tiro ka badan inta la siiyo bukaanka loogu tala galay daawadan, taasoo naftooda u horseedeysa waxyeelo caafimaad oo aad u darran.
Dhalintan daroogada isticmaala qaarkood, ayaa isku dura cirbado xanuuno baabi’ye xooggan ah, kuwaasoo ay ka soo iibsadaan goobaha farmashiya-yaasha ah ee lagu iibiyo dawooyinka, waxanna wadooyinka caasimada ku arkeysaa, iyagoo aad u dawaqsan oo hadba gidaarkii ka hor yimaada ku dhacaya.
Kuwa maandoorinta u isticmaala dawooyinkan xanuun baabi’yaha ah, ayaa sheegaya in ay farxad ka raadinayaan, iskuna ilawsiiyaan daruufaha aggahooda yaala, waxanna jira dhalinyaro shaqeysata oo iyaguna isticmaalo dawooyinkan waxyeelada ku leh qofka caafimaadka qofka.aaddana ah, kuwaasoo tilmaamaya in ay iskaga ilaalinayaan daalka, waana kuwa badankooda wada mootada bajaajta, halka qaar kalana ay yihiin kuwa ka xamaasha dhismaha guryaha.
Shaqooyinka adag ee ay hayaan, oo sida ay sheegayaan ah kuwa jirku ku daalayo, ayey tibaxayaan inuu kaniinka ama cirbadu ay ka caawineyso in aysan dareemin culeyska howsha ay hayaan, waana kuwa qabatimay oo marar qaar maan- doorsooma, isla markaana loola cararo xarumaha caafimaadka.
Dhaqaatiirta ayaa sheegaya in ay adag tahay in la iska daayo dawooyinkan, waana kuwa qabatinkoodu uu fudud yahay, iyadoo maalinba maalinta ka danbeysa ay isi-soo tarayaan kiisaska la helayo, taasoo ah mid ay walaac xooggan ka muujinayaan bahda caafimaadka.
Dhalinta qeybtood ayaa dawooyinkan ay sida qaldan u qaadanayaan ka dhaxlay, xanuun uu ka mid yahay kan dhimirka, taasoo ka dhalatay hurdo la’aanta ay leedahay dawooyinkan xanuun baabi’yaha saa’idka ah, iyadoo lagu baaqayo in laga wacyi galiyo dhalinyarada.
Dowladda Soomaaliya ayaa ilaa iyo iminka, wax tallaabo muuqata ah aan ka qaadin, xarumaha farmashiya-yaasha ah ee sida sharci darrada ah ugu iibiya daawadasi, dhalinyaradan u nugul qabatinka dawooyinkaasi, mana jiraan boolis si gaar ah u diiwaan galiya kiisaskan soo kordhaya