Dadka Soomaalida ayaa sanadihii ugu danbeeyey ku soo badanayey isticmaalka Baraha Bulshada, waxana yar kuwa sida wanaagsan uga faa’iideysta aaladaha uu ka kooban yahay, taasoo saameyn culus ku yeelatay habka noloshooda.
Soomaalida oo ah bulsho hadal, aadna u xiiseysa sheeko xariirada iyo madadaalada ayuu Isticmaalka internet-ka iyo mareegaha kala duwan ee xiriirka bulshada ku noqday caqabad weyn,iyadoo dhalinyarada iyo qaar ka mid ah waayeelkuba ay waqti badan ku bixinayaan isticmaalkiisa.
Cilmi baaris la sameeyey dhawaan ayaa sheegeysa in ay yaraadeen xiriirka ka dhaxeeya xubnaha qoyska,mana jiraan is xog wareysi iyo wada sheekeysi dhexdooda ah, sababo la xiriira in qof walba uu mashquul ku yahay isticmaalka Baraha Bulshada, waana kuwa xooggooda aad u adeegsada oo ku badan barta Facebooga walow ay jiraan tiro kale oo isticmaasha Youtube-ka iyo Tiktok-ga
Quburada arintan daraasad ku sameeyey ayaa tilmaamaya in badi Soomaalida ay dhanka qaldan kaga faa’iideysanayaan mareegaha xiriirka bulshada, sida in ay isku aflagaadeeyaan ama ay ku buun buuniyaan qabyaalada, taasoo mid ka duwan habka ay dunidu u isticmaasho aalladan.
Soomaalida Baraha Bulshada waqtiga badan ku bixiya qaarkood ayaa sheegta mihnado aysan lahayn, waxana qeybtood ay isku arkaan Warfidiyeeno,iyagoo marin habaabiya dadka ku xiran Warbaahintooda macmalka ah ee aan faaf reebka lahayn, sida in ay bulshada la wadaagaan xoggo qaldan, taasoo qofka aan wax badan la socon ee soomaliga ku riixeysa inuu qayaaligaasi dhab u qaato.
Qaarkood ayaa dhaqaale ka doona in ay sameeyaan waxyaabo aan ku wanaagsaneyn dhaqanka Soomaalida iyo diinteena suuban, halka kuwa kalana ay magac ka raadiyaan,waana arin aad u soo badatay dhawaanahan, isla markaana ay culuma’udiinkuna walaac badan ka muujinayaan.
Isticmaalka internetka aan xadidneyn ayaa qasbay in caruur iyo dhalinyaro badan ay ka haraan tacliinta, waxana kuwa da’da yar ay aad u xiiseeyaan oo ay badi waqtigooda ku lumiyaan Mareegta Tiktok-ga oo shiinaha laga leeyahay,waana mid sidoo kale doorisay dhaqanka qeyb ka mid ah hablaha Soomaalida oo ku soo bandhiga muuqaalo aysan bulshadu jecleysan.
Arintan ayaa dhanka kale yeelatay saameyn caafimaad darro oo dhinaca araga iyo maskaxda ah, maadaama uu qofku xiliga hurdada xitaa ku seegayo isticmaalkooda, waxana xarumaha cafimadka buux dhafiyey kuwa dhibane u ah aallada internet-ka,iyadoo dhaqaatirtuna ay ku cel celinayaan in isticmalka Internet-ka ee saacadaha badan ay ka dhalan karto waxyeelo caafimaad.
Gaba gabadii,waxaa waxaa la rumeysan yahay in ay meesha ka baxday sheekadii iyo kala war qaadashadi ay yeelan jireen xubnaha qoysaska, kuwaasoo marka ay aqaladooda ku soo gurya noqdaan isaga warami jiray meertadii malintaas iyo waxa uu qof walba kala soo kulmay Magaalada, hadey tahay goob tacliin iyo mid shaqaba.