Hooyooyinka Barakacayaashaayaa ah kuwo ugu adag ee waayaha qalafsan ku qaadanaya duleedka Muqdisho, mana heystaan daryeel caafimaad oo buuxa.
Haweenkan badankooda ayaa umul raacda xilliga foosha, maaddaama aysan jirin xarun ka agdhaw oo u fulisa adeega caafimaad ee ay doonayaan.
Waxaa sidoo kale ku adag in ay helaan gaari, si dhaqsi ah ku gaarsiiyaa xarumaha hooyada iyo dhalaanka, waana tan keeneysa in ay u geeriyoodaan dhiig bax iyo nafaqo darro.
Si la mid ah dhibaatada ay qabaan waxaa wajahaya ubadkooda, kuwaa oo aanan heli karin xarumo caafimaad oo lagula tacaalo xanuunada soo food saara.
Waxey inta badan u geeriyoodaan xanuunada shuban biyoodka, waxaana sabab u ah saxo xumida ka jirta kaamamka ay ku nool yihiin.
Caruurta barakacayaasha ayey dhanka kale heystaa waxbarasho la’aan baahsan, maadaama waalidiintooda aanay awoodin dhaqaalihii ay uga bixin lahaayeen waxbarashada.
Si Kastaba Muqdisho duleedkeeda waxaa ku dayacan hooyooyin iyo caruur fara badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo siyaabo kala duwan uga soo barakacay qeybo ka mid ah gobollada dalka, welina ma jirto cid ku fiirisay il bani’aadminimo.