(Hortabin Media) – Wal wal aad u fara badan ayaa waqtigan laga muujinayaa dhameystirka dastuurka Soomaaliya, oo waqti badan ahaa mid KMG ah.
Sida la wada ogyahay, Dowladihii dalka Soo maray ayaa ku guuldareystay dhameystirka dastuurka, oo waqtigan ah caqabad hortaagan Soomaalida.
Qorshaha ayaa ahaa in dowladdan ay dhameystirto, waxaana wal walka keenaya khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamullada qaar.
Dowladda ayaanan heshiis la ahayn maamulka Puntland, taas oo gaabisay wada shaqeyntii ka dhaxeysay labada dhinac, waana mid adkeyneysa in go’aan laga gaaro arrinta dastuurka.
In la dhameystiro Dastuurka Soomaaliya, waxyaabaha hortaagan ayaa waxaa ka mid ah marxlada dagaal ee uu dalku galay, kaas oo la filayo in muddo dheer uu jiitamo.
Waxaa sidoo kale iminka howl gab noqday oo aanan shaqeyneynin dhamaan hay’adihii dastuurka, kuwaas oo iyaga qudhooda mashquul ku ah xaaladda colaadeed ee dalka ka taagan, maaddaama xubnaha Barlamanka ee arintan loo xil saaray ay si joogta ah u booqanayaan furimaha dagaalka.
Dhan kasta oo laga eego, Lamo ogga waqtiga si rasmi ah loo dhameystiri doono dastuurka qabyo qoraalka ah ee dalka, waxaana dhameystirkiisa ku xiran arrimo badan oo masiiri ah.