Xeebaha Muqdisho ayaa todobaadkan gudihiisa qaaday dhallinyaro ka badan 10 ruuux, kuwaas oo damaashaad u tagay xeebaha.
Xeebaha dadka qaaday waxaa ka mid ah, liido iyo Geela Laq oo ku taalla degmada Xamar Weyne.
Dhallinyarada xeebtu qaaday ayey da’doodu ka hooseysay 25jirka, waxaana weli la la’ yahay meydadkooda.
Eheladooda ayaa buux dhaafiyey xeebaha dalka, iyagoo murugeysan, waxaana arrintan loo sababeynayaa dabeylaha xilligan jira, kuwaas oo badda ka dhigay mid kacsan.

