Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa digreeto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay golihiisa Wasiirada cusub, xilli dhawaan Saciid Deni dib loo doortay.
Liiskan oo aysan ku jiran wasiir ku xigeeno, ayaa waxaa ka soo muuqday xubno horey loogu yaqaanay siyaadda, iyadoo geesta kale ay ku jiraan kuwo ku cusub saaxada siyaasadda.
Sidan ayey u qorneyd digreetada magacaabista ee ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland:
Wasiirka koowaad waxaa loo magacaabay wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha diinta Puntland Maxamed Cabdiwahaab Axmed.
Wasaaradda amniga Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Bakiin), wasaaradda arrimaha gudaha Puntland waxaa mar kale loo magacaabay Cabdi Faarax Juxa.
Maxamed Faarax Maxamuud ayaa loo magacaabay wasiirka maaliyadda Puntland, halka Daa’uud Maxamed Cumar loo magacaabay wasaaradda qorsheynta.
Fu’aad Abshir Axmed (Adeer) ayaa loo magacaabay wasiirka waxbarashada Puntland, halka Saciid Jaamac Cali (Qoorsheel) loo magacaabay wasiirka caafimaadka.
Wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka Puntland waxaa loo magacaabay Faarax Cawad Jaamac, halka wasiirka dekedaha loo magacaabay Shaakir Maxamed Guuleed.
Cabdullahi Bile Nuur ayaa loo magacaabay wasiirka duulista hawada, sidoo kale Maryan Axmed Cali ayaa loo magacaabay wasiirka haweenka Puntland.
Wasiirka warfaafinta Puntland waxaa loo magacaabay Maxamuud Caydiid Dirir, wasiirka ganacsiga iyo warshadaha waxaa loo magacaabay Axmed Shire Saciid.
Maxamed Cabdiraxmaan Faroole ayaa loo magacaabay wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimillada, halka Cumar Cabdisamad Yuusuf ayaa loo magacaabay wasiirka xanaanada xoolaha Puntland.
Cabdirisaaq Cabdullahi Xagaa ayaa loo magacaabay wasiirka kalluumeysiga Puntland, Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle ayaa loo magacaabay wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada.
Liibaan Muuse Cismaan ayaa loo magacaabay wasiirka macdanta iyo biyaha, halka Ubax Cabdirashiid Maxamed loo magacaabay wasiirka gargaarka Puntland.
Maxamed Cabdulqaadir Saalax ayaa loo magacaabay wasiirka beeraha Puntland, halka Hodan Saciid Xasan loo magacaabay wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha Puntland.