(Hortabin Media) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa caddaadis adag oo ka dhashay loolankii doorashada waqtigan wajahaya, waxaana uu diidmo kala kulmayaa qaar ka mid ah ciidamada ku sugan gudaha Muqdisho.
Taliska ciidamada Danab qeybtooda Puntland ayaa ka hortimid doorashadii uu ku soo baxay Saciid Deni ee dhawaan ka dhacday Garoowe, waxeyna ku tilmaameen mid aan u dhicin qaab caddaalad ku dhisan.
Qoraalka ay soo saareen ciidamada oo ah kuwo aad u badan isla markaana tababaran fiican heysta, ayaa lagu sheegay in gabi ahaanba aysan ku qancin natiijadii ka soo baxday doorashada, waxeyna ku sifeeyeen mid uu ku shubtay Deni.
Deni ayey arrintan walaac hor leh ku noqotay, maddaama uu filayey inuu dhamaaday is- jiid jiidkii ku aaddanaa arrimaha loolanka doorashadii lagu kala baxay ee Puntland.
Waxaa shalay galinkii danbe isugu yeeray dhamaan musharaxiinta la baratantay, kuwaas oo uu ka codsaday in ay xaaladdan xaliyaan, isla markaana la dhameeyo wax walba oo tabasho ah oo jirta.
Kulankan oo dhacay Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Puntland Ilyaas Cusmaan Lugatoor iyo guddoonka Golaha Wakiillada, waxaana Deni uu musharaxiinta ku wargaliyey inuu tixgalin doono rabitaankooda, balse la dhameeyo xurgufta ka dhalatay loolankii doorashada.