Sida ay sheegayaan Wararka ka imaanaya degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Qoysas badan ay ku go’doomeen Roobkii ka da’ay degmadaas iyo Fataahada Webiga uu ka geystay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in daadka ka dhashay roobabka iyo fatahaada webiga uu saameyn ku yeeshay dad u badan dan yar, kuwaas oo aanan awoodin in ay aqalo kale kireystaan.
Maamulka degmada Luuq ee Gobolka Gedo oo warbaahinta la hadlay ayaa ku baaqay in loo soo gurmado Qoysaska ku go’doonsan degmadaas, si wax looga qabto xaaladda adag ee ay ku sugan yihiin.
Si kastaba ‘ Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday xaalad deg deg ah ka dib markii Daadadka Roobka Xilliga deyrta ah iyo Fathaada Webiyada saameeyn xooggan ay ku yeesheen dad badan oo ku nool qaar ka mid ah gobolada dalka.