Shirka Gollaha wadatashiga Qaran ayaa lagu go’aamiyey in dalka uu u dhaqaaqo hannaanka dimuqoraadiga ah ee Qof iyo Cod, kaas oo la sheegay in dalka uu ka dhaqan galayo dhawaan.
Haddaba Soomaaliya maku guuleysan kartaa in ay qabato doorasho qof iyo cod ah?
Su’aalahaas oo dhaxal gal ah, ayey aqoonyahanada bartay dowlad wanaaga ku tilmaamayaan mid ay adag tahay in la suura galiyo sababo badan oo jira awgood.
Sababto koowaad ee diideysa ayaa ah amaanka dalka, kaas oo aanan shacabka usuura galin karin in ay codkooda u dhiibtaan si nabad galyo ah.
Waxaa kaloo caqabad ah, dhulka ay heystaan Al Shabaab, halkaas oo ay ku nool yihiin shacab aad u fara badan, oo xaq u leh in ay codkooda ku doortaan qofka dalka matalaya.
Cabsi galinta iyo fariimaha shacabka uga imaanaya Al Shabaab, ayaa iyaduna ah qodob hor istaagi kara in dalka ay ka hirgasho doorasho Qof iyo Cod ah.
Aqoonyahanadan ayaa shaki badan galinaya, in ay qabsoonto doorasho qof iyo cod ah, xilli dalka qeybo ka mid ah ay ku sugan yihiin Al Shabaab, kuwaas oo markasta laga fili karo, weeraro isugu jira qaraxyo iyo dilal qorsheysan.
Aqoonyahanada ayaa ugu danbeyntii soo jeediyey in xoogga la saaro dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, kaas oo haddii laga lib keeno, suura galin kara in si siman dalka oo dhan ay uga dhacdo doorasho qof iyo cod ah.