Dagaalka ay Puntland kula jirto kooxda Daacish ayaa waqtigan si dar dar leh ku socda, waxaana Maamulku uu taageero xoogan ka helayaa dowladda Mareykanka, oo duqeymo kala duwan ka fulisay goobaha ay Daacish ku dhuumaaleysaneyso.
Cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca dowladda Puntland ayaa gaarey deegaanka Aleel-yar ee buuraleeyda gobolka Bari, oo ka mid ahaa goobihii ay habeen ka hor duqaymaha la beegsadeen saaxiibada caalamiga ah oo uu Mareykanku ugu horeeyo.
Fariisimada ay ciidanku gaareen ayaa la xaqiijiyey in laga helay meydad ka tirsan kooxda Daacish, hub, sahay iyo fariisimo muhiim ah oo ay burbur xooggan gaarsiiyeen duqaymihii lala beegsaday 25-kii March 2025.
Mareykanka oo adeegsanaya bombooyinka culus ayaa burburiya difaacyada adag ayaa beegsaday saddexdii talis ee ugu muhiimsanaa, oo ay argagixisada Daacish ku lahayd inta u dhexaysa togaga Miiraale iyo Baalade oo horay loo sahmiyey.
Duqaymaha ayaa lagu burburiyey god weyn oo dhaca inta u dhexaysa Miiraale iyo togga Baalade, talis muhiim ah oo ku yiiley ceel-biyood muhiim ah oo ku yaalla togga Miraale iyo beegsiga saddexaad oo ahaa taliskii Miraale, waxaana la burburiyey dhammaan agabkii yaalay sida ay sheegeen ilo dhanka ammaanka ah.