Dagaalka lagula jiro kooxda Al Shabaab, ee ka socda deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug ayaa waqtigan si xowli ah u soconaya waxaana dagaalka xoogiisa uu ka dhacay toddobaadkan deegaan hoos yimaada magaalada Ceelbuur.
Dagaalka ayaa yimid ka dib markii ciidanka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ay weerar ku qaadeen Saldhig ay AS ku laheyd deeganka Biya-cadle ee hoostaga deegnka Ceel-la-helay eec Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud.
Saraakiisha Ciidanka weerarka qaaday ayaa sheegay in AS ay halkaasi ka wadeen dhaqdhaaqyo, balse ay ka hortageen, waxaana xusid mudan in Maalmihii la soo dhaafay Ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka ay howlgallo ka wadeen deegaanno ka tirsan Dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle.
Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Safiirka Dowladda Turkiga Danjire Alper Aktas oo yeeshay wada haddal khadka telefoonka ah, ayaa arrimo badan isla meel dhigay.
Ugu horeyn Safiirka ayaa boggaadiyey taliska ciidanka xoogga dalka adkeysiga dagaalka Shabaab, xilli lagu jiro bisha barakeysan ee Soon-qaad, waxana sidoo kale safiirka a uu u tacsiyeeyay intii ku dhimatay dagaalka, isagoo kuwa dhaawaca ahna u rajeeyey badqab.
Danjire Alper Aktas ayaa tilmaamay in laga adkaan doono argagixisada waqti dhow wuxuuna si cad uu u yiri “Farriinta Dowladda Turkiga oo ka mid ah walaalaha Soomaaliya waxa ay dhiirogelin u tahay dhammaan naf-hurayaasha taagan furimaha dagaalka Hirshabeelle.”