Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Qeybta 60-aad Janaraal Hassan Baydhabo ayaa sheegay in dib u habeyn iyo ballaaran lagu sameyn doono Ciidamada xoogga dalka ee ka howlgalla degaannada Koonfur Galbeed.
Wuxuu sheegay in ujeedkooda ugu weyn in uu yahay sidii degaannada iyo degmooyinka Koonfur Galbeed looga xoreyn lahaa Ururka Al-Shabaab, isaga oo Ciidamada xoogga dalka ugu baaqay inay ka hortagaan weerarada Al-Shabaab.
Degaannada iyo degmooyinka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay ka mid yihiin Goobaha ay weli u go’doonsan yihiin Ururka Al-Shabaab, waxaana dhowr jeer ay sheegeen Madaxda Koonfur Galbeed inay go’doonka ka qaadi doonaan.
Inta badan dagaalka Al Shabaab ee ka billaaban lahaa Koonfur Galbeed ayaa dib uga dhaca waqtiga la qorsheeyo, sababo la xiriira arrimo dhinaca farsamada ah.