Dagaal culus ayaa maanta ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood ee gobolka Sool waxaana dagaalku uu u dhaxeeyey ciidamada SSC iyo kuwa Somaliland.
Dagaalka oo ahaa mid aad u xooggan ayaa ka billawday tuulada Buqdharkin, wuxuuna ku baahay deegaano ka tirsan duleedka Laascaanood
Dhinacyada dagaallamay ayaa isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dagaalku uu socday wax ka badan seddex saacadood.
Dhinacyada dagaallamay ayaa sheegtay guullo kala duwan in ay ka soo hoyeen dagaalka, wallow aan si rasmi ah loo ogayn khasaaraha soo kala gaaray.
Dagaalkan ayaa soo celiyey baqdintii laga qabay in colaad xooggan ay dib uga billaabato Laascaanood, waxaana durba billawday barakac ay sameynayaan dadka rayidka ah ee aan hubeysneyn.