Waxaa aad u adkaatay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Gobolka Hiiraan, halkaas oo ay iminka ka jiraan labo maamul, oo mid ka mid ah uu ku dhawaaqay Gudoomiyihii hore ee Hiiraan Cali Jeyte.
Cali Jeyte oo ka soo horjeestay xil ka qaadistii lagu sameeyey, ayaa maamulka uu ku dhawaaqay ee Hiiraan State, waxa uu xilal uga magacaabay masuuliyiin ka tirsan Hiiraan.
Xilalka kala duwan ee uu magacaabay, waxaa durba ka soo horjeesatay Hirshabelle, oo tilmaantay in ay xabsiga dhigayaan dhamaan kuwo kacdoonka la wado Cali Jeyte.
Cali Jeyte oo arrintaasi isna ka jawaabay, ayaa sheegay in ay iska caabinayaan cid kasta oo ku soo duusha, isagoo xaqiray jiritaanka maamulka Hirshabelle, oo uu tilmaamay inuu gabalkiisii dhacay.
Hadaladan xanafta leh, ayaa sii cakiraya xiisada ka aloosan Hiiraan, waxaana saacad walba macquul ah inuu gudaha Hiiraan ka qarxo dagaal ay isaga soo horjeedaan labada maamul ee isku garbinaya xukunka gobolkaasi.