Dagaal aad u culus ayaa xalay ka dhacay Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland, waxaana dagaalku uu u dhaxeeyey ciidamo ka tirsan Maamulka iyo kuwa ka amar qaatay musharax Asad Diyaano
Ciidamada ka amar qaata Asad diyaano, oo diidan in Puntland ay ka dhacaan doorasho qof iyo cod ah, iyo kuwa maamulka Puntland, ayaa maalmihii ugu danbeeyey la hadal hayey xiisada u dhaxeysa
Ciidamada dagaallamay ayaa isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dhawaqa rasaasta laga maqlayey inta badan Xaafadaha Garoowe.
Inta la ogyahay waxaa dagaalka ku geeriyooday dad gaaraya 5-ruux o ka kala tirsan dhinacyadii dagaallamayey, iyadoo ay dhaawacmeen 10-kale , kuwaas oo xaaladooda lagu dabiibayo xarumaha caafimaadka Garoowe.
Madaxweyne Saciid Deni ayaa kal hore ka dhawaajiyey in ay Puntland ka qabsoomeyso doorasho qof iyo cod ah, taas oo billaabaneysa 25-ka bishan May, wallow go’aankaasi ay ka oso horjeesteen inta badan siyaasiyiinta Puntland.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalmo ka hor uga digay Deni, qabashada doorasho aan heshiis lagu ahayn, taas oo ay ka dhalan karto khilaafaad, uu dhiig ku daato.