Kooxda Al Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday fariisin ay ciidamada dowladda ku leeyihiin deegaanka ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho.
Weerarkan oo ahaa mid gaadmo ah, ayey kooxdu ku qaaday agagaarka Arbacow, ee deegaanka Ceelaha Biyaha oo ay degan yihiin ciidamo ka tirsan dowladda.
Labada dhinac waxaa halkaasi ku dhex maray dagaal socday in ka badan 3 saac, iyagoo isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dagaalka ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo weli aan la xaqiijin tiro sugan.
Al Shabaab ayaa joogteeyey weerarada ay ku qaadayaan fariisimada ciidamada dowladda, xilli la dhimayo tirada ciidamada ATMIS ee jooga dalka.